DEG-DEG: Barcelona War Kasoo Saartay Heshiiska Lionel Messi

0
259

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegtay, inay wada-hadallo meel fiican maraya u socdaan Lionel Messi oo ay u dhow yihiin inay la gaadhaan heshiis ay dib ugu soo celinayaan Camp Nou xagaaga foodda inagu soo haya.

Lionel Messi oo Barcelona si xor ah uga tegay isaga oo ooyaya sannadkii 2021, markii ay kooxdu awoodi weyday in duruufo dhaqaale ay ugu kordhiso heshiiska ayaa waxa la sheegay inuu iskaga tegi doono PSG oo uu labadii sannadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayay.

Madaxweyne ku-xigeenka Barcelona ee Rafa Yuste ayaa warbaahinta u sheegay, in kooxdiisu ay wada-hadallo kula jirto Lionel Messi oo ay muddooyinkii dambeba xidhiidhayeen iyaga oo ka wada shaqaynaya heshiiska laacibkan kusoo celinaya Barcelona.

Rafa Yuste oo ka hadlayay heshiiska Lionel Messi ayaa yidhi: “Waanu la xidhiidhaynay Lionel Messi iyo wakiilladiisa. Leo wuu ogyahay sida aanu u qiimayno isaga iyo jacaylka aanu u qabno in aanu dib usoo celino. Waxa hubaal ah in Messi uu jecel yahay Barca iyo magaaldan, markaa waxa aanu rajaynaynaa in aanu heli doono xaaladda saxda ah si uu halkan uga sii wato taariikhdiisa.”

Barcelona faahfaahin dheeraad ah kama aanay bixin sida ay Lionel Messi ugu qancinayaan inuu u sameeyo mushahar dhimis maadaama ay duruufo dhaqaale haystaan kooxdooda, hase yeeshee waxay wax walba u samaynayaan sidii ay ugu soo celin lahaayeen Camp Nou.

Dhinaca kale, kooxda reer France ee PSG ayaa waxay sheegtay inay wax walba u huri doonto heshiis cusub oo ay ka saxeexdo Lionel Messi iyadoo adeegsanaysa khayraadkeeda kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, Lionel Messi ayaa mustaqbalkiisu uu dhinac u dhici doonaa bilaha soo socda, iyadoo lala xidhiidhinayo kooxo badan sida Barcelona, Al Hilal iyo Inter Miami.