DEG-DEG: Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxeexa Xiddigii Faransiiska Ee Koobka Adduunka

0
94

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshiis la gaadhay xiddiga reer France ee Axel Disasi oo uu booskiisu bannaan yahay, kaddib dhaawac culus oo khalkhal ku riday qorshihii Blues ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.

Chelsea ayaa goordhoweyd heshiis dhamaystiran la gaadhay AS Monaco oo ogolaatay inay £38 milyan oo Gini ku faasaxdo difaaceeda dhexe ee Axel Siasi oo si degdeg ah u dalbadaya tababare Mauricio Pochettino si uu ugu beddelo difaaca ay isku waddanka yihiin ee dhaawaca ah ee Wesley Fofana.

Xiddigii hore ee Leicester City ee Wesley Fofana ayaa bishii hore waxa soo gaadhay dhaawac jilibka ah oo la filayo inuu garoomada kaga maqnaado xilli-ciyaareedka soo socda oo dhan.

Pochettino ayaa waxa uu beddelka Fofana u doortay Disasi oo ay hore u doonayeen kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Newcastle United.

25 jirkan ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka France ee Koobkii Adduunka oo uu saddex ciyaarood saftay, inkasta oo mid ka mid ah uu daqiiqadihii ugu dambeeyey beddel kusoo galay.

Heshiiska Disasi ayaa waxa uu imanayaa maalin kaddib markii ay Chelsea la saxeextay Lesley Ugochukwu oo khadka dhexe uga ciyaara Rennes oo ay kasoo bixinayso £23.5 milyan oo Gini.