DEG-DEG: Chelsea Oo Jawaab Ka Bixisay Dalabkii West Ham Kasoo Gudbisay Gallagher

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xagaagan oo kaliya ayay Blues ka baxeen Mason Mount, Kai Havertz, Kovacic, Loftus-Cheek iyo N’Golo Kante oo khad dhexe ahaa halka Jorginho oo ka horreeyay uu bishii January Arsenal ka degay.

Image

Taas ayaa ka dhigtay Gallagher ciyaaryahanka ugu da’da weyn khadka dhexe ee Chelsea oo ay la joogaan Enzo Fernandez (22 jir), Cesar Casedei (20 jir), Andrey Santos (19) iyo Carney Chukwuemeka (19).

Sida uu sheegayo wargeyska The Guardian, Blues oo ka warqaba inuu wiiqmay khadkooda dhexe walina ku kadeedan saxeexa Moises Caicedo oo ay Brighton ka doonayaan ayaa diiday dalabkii West Ham ku doonaysay Gallagher ee 40-ka Milyan ee pound ahaa.

Gallagher ayaa kasoo qayb qaatay labadii kulan saaxiibtinimo ee Chelsea lasoo ciyaartay Wrexham iyo Brighton isagoo labada jeerba shabaqa taabtay.

Chelsea ayaa doonaysa saxeexa Caicedo balse aan wali la kulmin waxa ay dalbanayso Brighton oo xiisaynaysa daafaca Blues ee Levi Colwill oo kooxda ree London sheegtay inuusan iib ahayn.