DEG-DEG: Juventus Oo Laga Mamnuucay Tartamada Yurub

0
93

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyey, in dhamaan tartamada Yurub laga mamnuucay Juventus oo aanay kasoo qayb-geli doonin xilli-ciyaareedka soo socda, isla markaana waxa loo raaciyey lacago kale oo malaayiin Euro ah oo ay bixin doonaan.

Juventus ayaa lagu helay afar dembi oo kala duwan oo ah inay jabiyeen shuruucda dhaqaalaha, sida lagu helay baadhitaanno soo bilowday bishii May oo ay ku jiraan in ay ka been-sheegaan xisaabaadkooda, taas oo keentay in toban dhibcood oo horyaalka Serie A ah laga jaro, isla markaana lagu qasbo inay iscasilaanb Andrea Agnelli oo ahaa Madaxweynaha kooxda iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood laga mamnuucay inay wax ciyaaro la xidhiidha ka shaqeeyaan.

 

UEFA ayaa waxa kale oo ay sheegtay, in Juventus aanay kasoo qayb-geli doonin tartanka UEFA Conference League sannadkan, waxaana sidoo kale loo raaciyey ganaax dhan €20 milyan oo Euro oo ay hadda bixin doonaan iyo €10 milyan oo Euro oo kale oo saddexda sannadood ee soo socota ay marba in bixin doonaan.