DEG DEG: Kooxda Chelsea oo shaqada ka cayrisay Tababare Thomas Tuchel

0
12

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa shaqada ka cayrisay tababaraheedii Thomas Tuchel kaddib guuldarradii xalay ka soo gaartay Dinamo Zagreb ee Champions League.

Blues ayaa xalay guuldarro ku billaabatay UEFA Champions League kaddib markii ay guuldarro 1-0 kala soo laabteen Dinamo Zagreb oo booqdeen.

Mislav Orsic ayaa goolka qura ee looga adkaaday ka dhaliyey Chelsea, kulanki ka dhacay dalka Croatia, taasoo keentay in Blues ay shaqada ka cayriso Thomas Tuchel.

Waxa uu ahaa kulankiisii  100-aad ee  Thomas Tuchel uu hoggaamiyo kooxda Chelsea xalay, 50-kii kulan ee ugu horreysay waxaa laga dhaliyay kaliya 24 gool, halka 50-kii kulan ee ugu dambeeyay laga dhaliyay 53 gool.

Chelsea ayaana bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay inay shaqada kaga cayrisay Macallinkan reer Jarmal ee Thomas Tuchel, kaasoo u gacan geliyey koobka dhega weynaha Champions League.