DEG-DEG: Kylian Mbappe Oo Afka Furtay Kaddib Heshiiska Real Madrid

0
95

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa afka furtay waxyar kaddib markii ay kooxdiisa cusub ee Real Madrid soo bandhigtay heshiiska uu la gaadhay iyo inuu yahay xiddiga laga bilaabo maanta ka tirsan kooxda reer Spain.

Kylian Mbappe ayaa isla markiiba isbeddel ku sameeyey barihiisa bulshada, waxaana uu ka saaray magaca kooxdiisii hore ee PSG oo uu ku beddelay inuu yahay ciyaartoy Real Madrid iyo xulka qaranka France u dheela.

 

25 jirkan oo saxeexay heshiis shan sannadood ah Isniintii maanta, ayaa waxa markii uu barihiisa bulshada ka beddelay magaca kooxdiisa waxa uu soo daabacay qoraal uu ku baahiyey barihiisa bulshada, waxaanu ku yidhi: “Riyadaydii ayaa ii rumowday. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku biiro kooxdii aan ku riyoon jiray ee Real Madrid. Qofna ma qiyaasi karayo sida aan ugu faraxsanahay waqtigan. Maba sugi karayo inta aan idin karkayo reer Real Madridoow, waanad ku mahadsan tihiin taageerada aan la rumaysan karayn. ¡Hala Madrid.

Kylian Mbappe ayaa waxa uu sidoo kale qoraalkiisa soo raaciyey sawir uu garoonka da’yarta Real Madrid ku galay sannadkii 2012, waqtigaas oo uu qarka u saarnaa inuu u saxeexo Los Blancos. Waxa uu sawirkaas kula jiraa Cristiano Ronaldo oo waqtigaas sannadkiisii saddexaad u ciyaarayey Real Madrid.