DEG-DEG: Kylian Mbappe Oo Laga Afduubtay Real Madrid & Liverpool, Kuna Sii Jeeda Horyaalka Premier League

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa kusii jeeda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo  laba  kooxood oo kala duwan ay wada-hadallo kula jiraan, waxaana walaacsan Real Madrid oo si dhab ah loogu qabsaday saxeexa laacibkan.

Kylian Mbappe ayaa sidii aanu maanta idiinku soo gudbinay wararkayagii duhurnimo, waxa la sheegay in ay suurtogal tahay in uu amaah ku tago Liverpool, balse hadda waxa tartanka soo gashay Chelsea oo la diyaar ah lacago kaash ah iyo ciyaartooyo ay ula diyaar tahay inay qayb ka noqdaan saxeexa laacibkan.

Wargeyska Dialy Record ee waddanka Portugal kasoo baxa ayaa waxa uu ogaaday in ay wada-hadallo u socdaan PSG iyo Chelsea oo ay ku doonayaan in ay laacibkan ku kala  iibsadaan.

PSG oo la sheegay in ay dalbanayso lacag gaadhaaysa 250 milyan oo Euro oo ay ku xidhay Real Madrid oo la rumaysan yahay in uu xiddigani doonayo inuu tago, kaddib markii uu iska diiday kooxda Al-Hilal ee horyaalka Sucuudiga oo usoo bandhigtay dalab uu sannadkii mushahar uga qaadanayo £604 milyan oo Gini iyo PSG oo heli lahayd £259 milyan oo Gini oo ay kooxdaasi ula diyaar ahayd inay ku iibsato, ayaa waxa hadda maalinba meel uu mustaqbalkiisu u jeedsanayaa.

24 jirkan ayaa la sheegay in dhinaciisa anu doonayn in uu tago Chelsea, balse tababarihii hore ee PSG ee Mauricio Pochettino ayaa  ku qalqaalinaya in ay midoobaan.