DEG-DEG: Liverpool Oo Dhamaystirtay Saxeexii SADDEXAAD Ee Xagaagan & Booska Uu Ka Ciyaaro

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah ula saxeexatay xiddig da’yar oo sidii ay ula soo wareegi lahaayeen uu ka caawiyey halyeyga reer Ivory Coast ee Yaya Toure oo tababare Jurgen Klopp usoo jeediyey in aanu lumin, sababtoo ah waxa uu tuhunsan yahay in uu mustaqbalka noqon doono xiddig weyn.

Liverpool ayaa maanta soo bandhigtay Hrveyy Owen oo ay kala soo wareegtay Wolves, kaas oo qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah oo uu ku joogi doono kulliyadda Liverpool.

Reds ayaa waxay shaacisay in ay £800,000 Gini kusoo iibsatay Harvey Owen oo ka ciyaara difaaca dhexe oo ay da’diisu tahay 14 jir, waxaana uu noqonayaa saxeexii saddexaad ee ay Liverpool samayso xagagan, waxaana ka horreeyey Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai oo ay isku-darkooda kasoo bixisay £95 milyan oo Gini.

Owen ayaa waxa heshiiskiisa hordhaca ah ay Liverpool sii dhamystirtay bishii May, balse hadda ayaa si buuxda ay labada kooxood ugu dhawaaqeen heshiiska, iyadoo Reds ay usoo bandhigtay laacibkan oo saxeexaya heshiiska uu kaga mid noqonayo Liverpool.

Sida uu sheegay tababaraha kooxda da’yarta Wolves oo laagu magacaabo Wes Hughes, Yaya Toure ayaa sabab u ahaa in Liverpool ay la saxeexato Owen sababtoo ah waxa uu laacibkan ka amaanay warbaahinta horteeda, taas ayaana keentay in Jurgen Klopp ay indhihiisu qabtaan.