DEG-DEG: Liverpool Oo Qarka U Saaran Xiddig Reer Brazil Ah Oo Booskiisu Bannaan Yahay

0
89

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa wada-hadallo kula jirta xiddiga reer Brazil ee Andre Trindade oo uu tababare Jurgen Klopp u doortay inuu ka dhigto beddelka Fabinho oo xalay ka degay waddanka Sucuudiga, iyaga oo dhinaca kalena maanta dalabkii labaad ka gudbisay Romeo Lavia oo Southampton u dheela.

Reds ayaa kusoo biiray tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil Andre Trindade, kaas oo ay sidoo kale doonayaan kooxaha reer Portugal ee FC Porto iyo Sporting Lisbon.

Andre Trindade oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa ah kubbad-burburiye cajiib ah, waxaana uu hore uga ciyaar jiray difaaca dhexe oo ah sababta uu ugu soo baxay kubbad-burburinta.

Wargeyska Record ee kasoo baxa waddanka Portugal ayaa sheegay, in Liverpool ay u dhowdahay heshiiska laacibkan oo ay kooxdiisa Fluminense dalbanayso €25 milyan oo Euro balse ay suurtogal tahay inay hoos usoo dhigto damaceeda.

Telefishanka Sky Sports ayaa isaguna sheegay in Liverpool ay wada-xaajoodyo meel fiican maraya kula jirto Southampton oo ay maanta dalabkii labaad oo ah 42 milyan oo Gini ka gudbisay, kaas oo markii hore ay Reds u doonaysay inuu buuxiyo booskii uu banneeyey Fabinho balse haddii ay helaan Andre Trindade loo riixi doono dhaxda hore.

Si kastaba ha ahatee, Andre Trindade ayaa khibrad badan ka helay kooxda Fluminense oo uu u saftay in ka badan 100 ciyaarood tan iyo  markii uu usoo dallacay kooxda koowaad sannadkii 2020.