Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saxafiga lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Manchester United ay ka shaqaynayso saxiixa weeraryahanka Wolverhampton, Matheus Cunha.
Xiddiga reer Brazil ayaa horey u shaaciyay inuu doonayo inuu ka tago kooxda Wolves xagaagan.
Romano ayaa ku qoray bartiisa rasmiga ah ee X (horey loogu yiqiin Twitter) in Manchester United ay wadahadallo horumar leh la yeelatay kooxda Wolverhampton si ay u helaan Cunha.
Warbixintu waxay ku soo gabagabeysay in Manchester United si adag uga shaqeyneyso sidii ay si rasmi ah ugu dhameystiri lahayd heshiiskaas.


