Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay dhaawacyada laba ciyaartoy oo muhiim ah oo ka maqnaan doona labada ciyaarood ee adag ee Chelsea iyo Liverpool ee Khamiista iyo Axadda, kuwaas oo la sheeay in ugu yaraan muddo bil ah ay u jiifi doonaan dhaawacyadan cusub.
Difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez oo toddobaadkan kasoo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa isla markaana beddel kusoo galay ciyaartii Brentford ee Sabtidii ayaa mar kale dib u dhaawacmay oo muddo maqnaan doona.
Waxa kale oo Manchester United ay xaqiijisay, in difaaca dhexe ee Victor Lindelof uu muddo bil ah u jiifi doono dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Brentford ee Sabtidii oo markii uu garoonka ka baxay lagu beddelay Lisandro Martinez.
Manchester United oo kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka Premier League, isla markaana 11 dhibcood ka dambaysa Aston Villa oo afraad fadhida ayaa waxa labadan dhaawac ee cusub ay jug weyn soo gaadhsiinayaan fursaddii ay ugu dagaallamayeen kaalinta afraad.