DEG-DEG: Mulkiilaha Tottenham Oo Xabsiga Loo Taxaabay & Dembiga Culus Ee Loo Haysto

0
123

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maalqabeenka Ingiriiska ee Joe Lewis oo iska leh kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, waxaana uu kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla New York iyadoo lagu eedaynayo arrimo la xidhiidha ganacsi iyo la-baxsi canshuuro.

Lewis oo ay da’diisu tahay 86 jir ayaa la sheegay in xogo uu la wadaagay shaqaale iyo gabdho uu xidhiidh jacayl la wadaagay ay ku noqdeen hubka dilay ee noqday sirta sababta u noqotay in maanta ay boolisku xabsiga u taxaabaan.

Damian Williams oo ah xeer-ilaaliyaha maxkamadda Southern Districk ee New York, ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo ay kusoo xidhaan Lewis oo muddooyinkii dambe deggenaa Bahamas, waxaana kiisaska ku jira laba shir-qooleyaal ah oo isaga lala soo qabtay.

Williams ayaa waxa uu sheegay in subaxnimadii saaka ay soo xidheen maalqabeenkan Ingiriiska ah, isla  gellinkii dambena ay maxkamadda soo istaajiyeen.

Lewis ayaa ku eedaysan 16 dembi oo kala duwan oo uu ku mutaysan karo in xabsiga loo taxaabo muddo 25 sannadood ah.

Tottenham ayaan ka hadal xadhiga mulkiilaheedan oo sannadkii 2001 la wareegay, waxaana hantidiisa lagu qiyaasay illaa $6 bilyan oo dollarka Maraykanka ah.