DEG-DEG: PSG Oo Go’aan Cusub Ka Gaadhay Kylian Mbappe Iyo Real Madrid Oo Faraxsan

0
169

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha kooxda kubadda cagta PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa shaaciyey in ay iibin doonaan xiddiga reer France ee Kylian Mbappe xagaagan, haddii uu diido in uu saxeexo heshiis cusub oo uu kooxda kusii joogayo, isla markaana ay mar horeba go’aan dhinacooda ah gaadheen.

Nasser Al-Khelaifi oo ka hadlayay xafladdii lagu soo bandhigayay tababaraha cusub ee kooxdaas ee Luis Enrique ayaa la weydiiyey su’aalo la xidhiidha mustaqbalka Kylian Mbappe oo ah hadal-haynta ugu weyn ee ka taagan suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Nasser Al-Khelaifiayaa waxa uu sheegay, in kooxdiisu ay heshay warqad uga timid Mbappe oo uu ku tilmaamay xiddiga ugu fiican adduunyada waqtigan, balse aanay macquul ahayn in uu sii joogo kooxda oo uu bilaash ku tago sannadka damabe ee 2024.

Wariye ku sugnaa goobta ayaa weydiiyey Nasser Al-Khelaifi xaaladda mustaqbalka Mbappe, waxaana uu ku jawaabay: “Anigu halka aan taaganahay way caddahay: Haddii uu doonayo inuu joogo, annaguna waanu doonayna in uu nala joogo, laakiin waa in uu heshiis cusub saxeexo. Ma doonayno in aanu ogolaano in ciyaartoyga ugu wanaagsan adduunyadu uu si blaash ah nagaga tago, mana samayn doono taas.

“Isaga [Mbappe] ayaa  hore u sheegay in aanu si bilaash ah ku tegi doonin. Annaguna ma ogolaanayno in sidaasi dhacdo. Haddii uu isagu beddelay maskaxdiisa, taasi ma aha qalad dhinacayga ka yimid.”

Saxaafadda waddanka Faransiiska ayaa hadalka Nasser Al-Khelaifi waxay ku sheegeen mid ka duwan hadalladii hore looga bartay ee u dabacsanaa dhinaca Mbappe oo uu ereyo soo-dhoweyn iyo kasbasho ah uu sxaafadda u marin jiray, balse markan uu meel adag ka istaagay laacibkan.

Haddii uu Mbappe diido inuu heshiis cusub u saxeexo PSG, waxa uu Nasser Al-Khelaifi xaqiijiyey in uu iibinayo, taas oo farxad u ah Real Madrid oo si weyn u doonaysa laacibkan, inkasta oo qiimaha ay dalabanayso kooxda Faransiisku ay dad badan eryayso.