DEG-DEG: Shil Argagax Leh Oo Sababay Dhimashada Mulkiilaha Koox Caan Ka Ah

0
128

Baladweyne ( Radio Beerlula )John Berylson ayaa geeridiisa looga murugoonayaa waddanka Ingiriiska, kaddib markii ay boolisku xaqiijiyeen in uu ku dhintay shl naxdin leh oouu ku galay waqti dambe oo Salaasadii ah gobolka Massachustts ee waddanka Maraykanka, waxaana waqti lagula tacaalayay xaaladdiisa kaddib uu ku geeriyooday cusbitaalka.

John Berylson oo ay da’diisu ahayd 70 jir, waxa uu ahaa ganacsade u dhashay Maraykanka oo iska lahaa kooxda Millwall ee heerka labaad ee Ingriiska, laakiin ka mid ah naadiyada faca weyn ee caanka ka ah Ingiriiska.

Booliska ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in John Berylson uu galay shil naxdinleh oo ay u qaadeen cusbitaalka laakiin uu geeriyooday.

Millwall ayaa dhinaceeda ka xaqiijisay, in mulkiilaheedii uu ku dhintay shil naxdinleh isaga oo ka tegay saddex carruur ah oo kala ah Jennifer, James iyo Elizabeth iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Amy.

Sannadkii 2006 ayuu John Berylson iibsaday Millwall isaga oo tababarihiisii ugu horreeyeyna u magacaabay sannadkii 2007, waxaana uu ahaa Kenny Jackett oo sannadkii 2013 keenay semi-finalka FA Cup, sidoo kalena ay wareegga siddeedda ee tartankan ku hadheen sannadihii 2017 iyo 2019.