DEG-DEG: Vinicius Jr Oo Ka Guuleystay Spain, Casaankii Oo Laga Noqday & Wararkii Ugu Dambeeyey

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa waxba kama jiraan ka dhigay casaankii tosoka ahaa ee la siiyey xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior kulankii Valencia, kaas oo ay ka dhasheen buuq iyo hadal-hayn badan oo la xidhiidha cunsuriyad lagula kacay laacibkan oo haddana casaan loo raaciyey.

Vinicius Junior oo ku guuleystay in ay adduunyadu garab istaagto, isla markaana ay arrintiisa ka hadlaan ciyaartoyda, warbaahinta iyo xataa madaxda Brazil iyo Spain, ayaa waxa hadda uu xor u noqon doonaa inuu ciyaaro kulanka ay kooxdiisu habeen dambe garoonka Santiago Bernabeu kusoo dhoweyn doonaan Rayo Vallecano.

Guddida anshaxaha ee xidhiidhka kubadd acagta Spain ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen, waxay ku sheegeen in garsooreyaahsa  ciyaartu ay qalad sameeyeen, isla markaana aanay VAR sidii loo baahnaa usoo bandhigin muuqaalladii ciyaarta oo ay kaliya hal meel oo garsoorka dhexe ku riixday inuu casaan bixiyo ka tusiyeen.

De Burgos Bengoetxea oo ahaa  garsoorihii casaanka siiyey Vinicius ayaa warbixintiisa kulankii Axaddii ku daray, in Vinicius Jr ay gacantiisu wajiga kaga dhacday ciyaartoy kale oo aanay kubbadina dhax oollin, taasina abuurtay isku dhc weyn oo ciyaartoyda labada kooxood ah.

Laakiin war-saxaafadeedka xidhiidhka kubadda cagta ayaa lagu sheegay in xaaladdii ka jirtay garoonku ay ahayd min aan caadi ahayn, duruufo kale jireen, isla markaana ay qasab tahay in laga noqdo casaankaas.

Guddida anshaxa ee go’aankan gaadhay ayaa waxay ka kooban yihiin saddex xaakim oo ay soo kala xuleen LaLiga, xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF iyo Golaha Sare ee Ciyaaraha ee dalkaas.