DEG-DEG: Xiddig Real Madrid Ahaa Oo Geeriyooday

0
171

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa  ku dhawaaqday war naxdinleh oo ay ku sheegtay inuu geeriyooday xiddig baal-dahab kaga suntanaa taariikhdeeda oo maanta uu waqtigiisii noloshu soo gabogaboobay, waxaanay ciyaartoyda iyo taageereyaasha kooxduba ku jiraan baroor-diiq.

Real Madrid oo ciyaartoydeedu ay shalay u duuleen waddanka Ingiriiska oo ay lugta hore ee wareegga 32ka Champions League caawa kula soo ciyaarayaan, ayaa waxa laga daba geeyey war aanay jeclaysanin oo sababi doonta in ciyaarta caawa aamusnan lagu bilabo.

Karim Benzema oo markii ugu dambaysay garbaha ay is-haystaan ayuu garoonka Santiago Bernabeu soo galay, Amancio Amaro oo Real Madrid u qaaday sagaal horyaal, laguna tiriyo ciyaartoydii ugu fiicnayd kooxda.

Amancio Amaro oo Real Madrid u ciyaaray intii u dhaxaysay 1962 illaa 1976 ayaa ku geeriyooday da’da 83 jir, waxaana uu ka tegay xasuuso waaweyn oo dhinaca guulaha ah.

Halyeygan geeriyooday oo xirgaddiisa kubadda cagta kasoo bilaabay Deportivo La Coruna oo uu u ciyaaray 1958kii illaa 1962kii, ayaa waxa uu sidoo kale xulka qaranka Spain u saftay 42 ciyaarood.

Waxa lagu naanayso jiray El Brujo oo magacnaheedu noqonayo Musixirka, waxaana war-saxafadeed ay Real Mdrid soo saartay ay ku sheegtay, in uu maanta ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada Madrid.

Amancio ayaa ahaa Madaxweyne sharafeedka Real Madrid ee waqtigan, isaga oo 471 ciyaarood oo uu u saftay Los Blancos u dhaliyey 155 gool, waxaana uu la qaaday sagaal horyaal oo La Liga ah, isaga oo ahaa xiddigii dhaliyey goolka barbarraha finalkii European Cup (Champions League) ee 1966kii ee ay guusha  soo laabashada ah ka gaadheen Partizan Belgrade.

Xulka qaranka Spain ayuu ka  caawiyey inay ku guuleystaan tartanka qaramada Yurub sannadkii 1964kii, isag oo gool dhaliyey ciyaartii semi-finalka ee Hungry.