Degmada Howlwadaag oo guul dirqi ah Ka gaaray degmada Xamarweyne

0
275

Baladweyne(Radio Beerlula)- Degmooyinka Holwadaag iyo Xamarweyne ayaa ku kulmay kulan ka tirsan tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019.

kulankaan,wuxuu ahaa mid aad u adag,wuxuuna ka tirsanaa Group A,wuxuu ku soo dhamaaday waqtigii loogu talagalay 2-1 oo ay ku badisay degmada Holwadaga.

Qaybtii hore kulankaan wuxuu ku soo dhamaaday 0-0 oo ay labada degmo isla dhaafi waayeen,balse wax walba,waxa ay is badaleen qaybtii labaad iyaarta.

Markii ay bilaabatay qyabtii labaad ee ciyaarta degmada Xamarweyne ayaa dhalisay goolkii kowaad ee ciyaartay daqiiqadii 49-aad,waxaana goolkaa u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Cali yare.

Ciyaarta oo aad isku badashay islamarkaan aad u kululaatay,waxaa degmada Howlwadaag goolka bareehada ahaa u keenta kabtankooda lagu magacaabo  Abudulaahi Gaaboow daqiiqadii 67-aad.

Ciyaarta oo dhamaad ku dhow isla markaana ay labada kooxood sameeyeen dhowr iskuday ayaa ugu dambeentii,waxaa goolkaa guusha heshay degmada Howladaag daqiiqadii 77-aad,waxaa goolkaa u dhaliyay Daadir.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay degmada Howlwadaag kulankaan u ahaa kii labaad oo ay ciyaaraan,waxaa hada hogaanka u qabteen Group A.,waxa ay leeyihiin afar dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here