Dhacdo naadir ah oo aan soo noqon doonin ilaa 2040 ka oo cirka ka dhacaysa.

0
78

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Cirbixiyeenada ayaa xiiso gooni ah qaba todobaadkaan maadaama ay dhawaan todobada meere ee kala ah Mars, Jupiter, Uranus, Venus, Neptune, Mercury, iyo Saturn ay samada ka soo muuqan doonaan muddo kooban xilliga fiidka.

Dhacdadaan oo loo yaqaano ‘socodka meerayaasha’ ayaa ah mid naadir ah, waxayna noqon doontaa markii u dambeysay ee wadajir loo arkay todobadaan mere tan iyo inta mid tan la mid ah ay ka dhici doonto 2040 ka.

Fursadda ugu fiican ee lagu ku arki karto meerayaal badan ayaa ah in la eego hawada kadib qorrax dhaca maalmaha Talaadada, Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha.

Afar ka mid ah meerayaasha oo kala ah Mercury, Venus, Jupiter, iyo Mars ayaa suuragal ah inay arkan dadka iyagoon adeegsan qalab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here