Dhakhaatiirta ilkaha oo ka digay arrin ay sameeyaan dadka qaar.

0
122

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dhakhaatiirta ku takhasusay ilkaha ayaa BBC u sheegay in qalabka caagga ah ay dadka ilkaha ku xirtaan uu saameyn ku reebo ilkahooda, qalabkan ayaa laga codsadaa Online-ka.
Mid kamid ah dadka isticmaala qalabka ilka-gashiga ayaa sheegay in ilkihiisa ay nuglaadeen isla markaana uu awoodi waayay in uu cuno tufaaxa.

Smile Direct Club, oo ah shirkadda ugu weyn ee iibisa qalabkan, ayaa sheegaysa in uu toosiyo ilkaha si ka dhakhso badan isla markaana ka qiimo jaban birihii ilkaha la gashan jiray.

Shirkadda waxay intaa raacisay in dad badan oo adeegsaday qalabka ay ku guuleysteen.
Laakiin dhakhaatiirta ilkaha qaarkood iyo dhakhaatiirta lafaha waxay aaminsan yihiin in macaamiisha waxa loogu yeero daryeelka ilkaha aysan ka warqabin waxyeellada ay keeni karaan birahan loo yaqaanno aligners haddii uusan qofka ku rakibin dhakhtar aqoon u leh arrintaas.

Jamie, oo ah aabbe kasoo jeeda Glasgow, ayaa u tagay dhinaca Smile Direct Club (SDC) ka dib markii laga soo xigtay uu ilkihiisa in uu toosiyo uu ku bixiyay £4,000-£6,000 oo lacagta giniga Ingiriiska ah.