Dhakhaatiirta Kenya oo ku hanjabay shaqo joojin

0
49

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ururka dhakhaatiirta Kenya ayaa soo saaray ogeysiis ay ku sheegayaan in ay 21 maalmood shaqada joojinayaan taas oo si rasmi ah u bilaabaneysa 22-ka desember hadii aysan dowladda hirgelin heshiiskii shaqaalaha ee 2017-kii.

Ku dhawaad 4,000 oo dhakhaatiir ah oo ka shaqeeya isbitaalada dowladda Kenya ayaa shaqada joojiyay 14-kii Maarso ee sanadkan kuwaas oo ka cabanayay in dowladda ka caga-jiideyso in ay siiso dhakhaatiirta xaalad shaqo oo fiican iyo tababaro.

Ilaa iyo hadda dowladda ma hirgelin heshiiskii la gaaray ee keenay in shaqadooda ay ku soo laabtaan dhaqaatiirta.

Shaqaalaha caafimaad ee laga doonayo in ay hal sano shaqeeyaan ka hor inta aan sharciga ay ku shaqeynayaan la siin ayaa ka cawday cadaadiska ay shaqada leedahay iyo saacadaha badan ay shaqeynayaan iyagoon mushaar qaadaneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here