Dhakhtar feer la dhacay bukaan uu qalliin ku sameynayay.

0
66

Baladwayne ( Radio Beerlula |)-IMas’uuliyiinta Shiinaha ayaa baaritaan ku haya cisbitaal kadib markii la soo weriyay dhacdo la sheegay in dhakhtar qalliin uu feer ku dhuftay bukaankii uu xilligaasi qalayay.

Waxaa toddobaadkan lagu arkay muuqaal ku faafay baraha bulshada ee Shiinaha, taasoo dhalisay caro dhanka internetka ah.

Kooxda isbitaalka Aier China, ayaa shaqada ka joojisay dhaqtarkii qalliinka, waxayna shaqada ka eriday maamulaha isbitaalka ay shilku ka dhacday sanadkii 2019-ka.

Muuqaalka ayaa laga arki karaa dhakhtarka qalliinka oo ugu yaraan saddex jeer madaxa ka garaacaya bukaanka oo uu indhaha ka qalayay.

Bukaanku wuxuu ahaa haweeney 82 jir ah “intii lagu jiray qalliinka. dawada suuxdinta ee maxalliga Bukaanka ayaa dhowr jeer dhaqaajisay madaxeeda iyo bu’da indhaha taas oo loo sababeeyay dawada suuxdinta oo aan safiican u qaban, sida ay hadalka u dhigeen.