Dhakhtar loo heysto dhimashada 12 ruux oo maxkamad la soo tagay.

0
55

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dhakhtar hore oo ku takhasusay suuxinta bukaanka ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Besancon ee bariga Faransiiska, isagoo lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u sumeeyay 30 qof oo ay ku jiraan 12 bukaan oo dhintay.

Frédéric Péchier, oo 53 jir ah, oo ay asxaabtiisu u arkeen inuu yahay dhakhtar karti sare leh, ayaa markii ugu horreysay la geliyey baaritaan siddeed sano ka hor, markii looga shakiyay inuu sumeeyay bukaanno ku jiray laba rug caafimaad oo ku yaalla magaalada intii u dhaxeysay 2008 iyo 2017.

In kasta oo eedeymo culus lagu soo oogay, Mr Péchier waxa uu sii haystay xorriyaddiisa, iyada oo ay kormeerayaan garsoorka, waxana uu u sheegay raadiyaha Faransiiska Isniintii in aanay jirin “wax caddayn ah oo muujinaya wax sun ah”.

Dhageysiga dacwadda ayaa socon doonta in ka badan 3 bilood, waxaana ka qeyb qaadanaya in ka badan 150 dhinac oo rayid ah oo matalaya 30-ka dhibanayaasha ah ee lagu eedeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here