Dhalinyarada Hirshabeelle oo dadaal ugu jira ka mid noqoshada golaha deegaanka Hirshabeelle.

0
313

Baladweyne(Radio Beerlula)- Gudoomiyaha ururka  Dhalinyarada Hirshabele Maxamed Cabdulahi Buraale  ayaa radio Beerlula u sheegay in dhalinyarada Hirshabeelle ay diyaar u yihiin inay kaalin ka qaatan dhismaha golaha deegaanka Hirshabeelle oo dhawaan meelo kala duwan laga daah furay, waxana dhalinyarada uu ku booriyay inay doorkooda muujiyaan.

Maxamed Cabdulahi Buraale ayaa madaxda hirshable ka codsaday in dhalinyarada  waxbaratay  ay u abuuran fursado shaqo s dhulkooda ay ugu nagaadan.

Sidoo kale guddoomiyaha ururka dhalinyarada Hirshabeelle  ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay sameystaan shaqooyin kudhisan iskaashi sida  inay abuurtan beeraha si  ay uga marman tahriibka.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here