Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhalinyaro badan oo markii hore heysan wax shaqo ah ayaa hadda fursado shaqo ka helay gaadiidka yaryar ee bajaajta oo ku soo badanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dhalinyaradan ayaa inta badan iska leh gaadiidkan ay ku shaqeystan halka kuwa kalana ay dad u wadan islamarkana ay lacago ka qaatan.
Fursadahan shaqo ee dhalinyaradan ay abuurteen ayaa maankooda ka saartay inay ku ahmiyaan inay dalka ka tariiban sida ay radio Beerlula u sheegeen dhalinyaradan.
Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.