Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha ururka wacyi gelinta bulshada iyo horumarinta gobolka Hiiraan Cabdirashiid Faarax Cabdi ayaa Radio Beerlula u sheegay inay bilaabeen qorshe lagu ciid siinayo caruurta danyarta iyo kuwa agoonta ee ku nool magaalada Baladweyne, si ay uga qeyb qaatan farxada ciida.
Cabdirashiid Faarax Cabdi ayaa ka codsaday cid kasta oo wax heysata inay ka qeyb qaatan ciid siina caruurta danyarta.
Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.