Dhalinyaro isku Xilqaamay dayactirka laamiga deegaanka Saalax jeere.

0
123

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wadadan oo halbowle u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka u kala safra koonfurta iyo waqooyiga dalka ayaa waxaa dib u dayactir ku bilaabay dhalinyaro isxilqaantay oo ku nool deegaannada deegannada Saalax Jeere iyo Jamaad ee waqooyiga magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Dhalinyaradan ayaa meelaha qaar ee wadada ka go’day ku shubay caro iyo dhagxaan si looga hortago shil ka dhasha kadib markii burbur xoogan u uku yimid iyadoona muddo 30 sano aysan helin wax dayactir ah.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.