Dhalinyaro ka soo noqotay dalka dibadiisa oo Baladweyne ka hirgeliyay ganacsiyo casri ah

0
326

Baladweyne(Radio Beerlula)- Inta badan dhalinyaro ka soo noqotay dalka dibadiisa iyo kuwa horey u joogay magaalada Baladweyne ayaa hirgeliyay goobo ganacsi oo fursado shaqo ka heleen dhalinyaro badan.

Goobahan ganacsi ayaa inta badan lagu iibiya qalabka elektarooniga.

Qaar ka mid ah ganacsatada hirgeliyay goobahan ganacsi ayaa Radio Beerlula uga waramay  meelaha  ay ka keenaan alabaha ay iibiyan.

Bulshada magaalada Baladweyne oo qaar kood la hadlay Radio Beerlula ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in magaalada ay ku soo batan goobaha lagu iibiyo elektarooniga.

Warbixin waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan (Ameeriko)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here