Dhalinyaro ku nool Baladweyne oo abuurtay ganacsiyo yaryar

0
340
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhalinyaro badan oo ku nool magaalada Baladweyne ayaa bilaabay inay abuurtan ganacsi yar yar oo nolosha reerkooda ku dabaran kuwaasoo ganacsigooda loo yaqaano waratada.

Agagaarka suuqa safrika iyo yoobsan ayay dhalinyaradan ay ku iibiyaan dharka waxana inta badan dhalinyaradan dharka ka iibsada dadka danyarta iyo kuwa doonaya dharka qiimahooda uu hooseeyo.

Qaar ka mid ah dhalinyaradan ayaa Radio Beerlula u sheegay in  galin ka mid ah maalintii wax baratan islamarkana ay ku rajo weyn yihiin inay horumar ka gaaran  ganacsiga.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here