Baladweyne ( Radio Beerlula )-Cabdirisaaq Maxamed Aadan oo ka mid ah dhalinyarada baratay macluumaadka tiknolojiyadda ama IT ayaa isaga iyo koox kale oo dhalinyaro ah waxay magaalada Baladweyne ku soo bandhigeen hal abuur cusub kaasoo ay ka faa’ideysan doonaan ganacsatada, isbitaallada iyo hay’addaha.
Hal abuurkan cusub ee ay soo bandhigeen dhalinyaradan ayaa waxaa ka mid ah sameynta websiyada, isku xirka shabakadaha iyo mareynta isbitaallada.
Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.