Baladweyne (Radio Beerlula)-Dhalinyarada ku shaqeysata xirfadda farsamada gacanta islamarkana soo saara ama sameeya qalabka inta badan loo isticmaalo wax soo saarka beeraha, burjikooyinka, kabaabooyinka, iyo masaaraha ee ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka jubadda hoose ayaa sheegay inay dadka qaar kala kulman faquuq, sidoo kalana ay heysato qalab la’aan.
Dhalinyaradan ayaa baahi badan u qaban helista qalab ku filan si wax soo saarkooda ay u kordhiyaan maadam inta badan qalabka ay soo saran ay isticmaalan bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq
Audio Player