Dhaqaallo la’aan soo wajhaday dowladda kenya.

0
371

Baladweyne(Radio Beerlula)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay lacago malaayin ah ay kasoo amaahaneyso bangiga adduunka.

Lacagta amaahda ah ayaa gaareysaa 750 milyan oo doolar si dowladda Kenya ay lacagtani ugu adeegsato misaaniyad sannadeedkan.

Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bangiga adduunka si uu deyntan u siiyo.

Shacabka Kenyaanka ayaa si weyn uga hadlay sida warbaahinta Kenya ay u hadal heyso arrintani.

Wargeyska Financial Times ayaa horraantii bishan ku warramay in deymaha lagu leeyahay Kenya ay sare u kaceen maadama uu deyn badan kasoo amaahday dalka Shiinaha.

Waxaana kamid ahaa 4.8 bilyan ee doolar ee lagu dhisay tareenka casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here