dhaqaatiirta ku taqasuusay xanaanada xoolaha ee Baladweyne oo talooyin u jeediyay xoolo dhaqatada

0
351

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dr Maxamad Cabdullahi Barre oo bartay cilmiga xanaanada xoolaha islamarkana ku nool magaalada Blaadweyne  ayaa radio Beerlula u sheegay in dhibaatooyin kala duwa laga kulmo  daawoyinka aan dhaqaatiirtu qorin ee dadku siiyaan xoolaha taasoo sameyneysa dadka iyo xoolaha, waxana uu ugu baaqay xoolo dhaqatada in xoolahooda siiyaan dawooyinka dhaqatiirta ay qortay.

Maxamed Cabdulahi Barre ayaa sidoo kale sharaxaya  qaabka xoolo dhaqatada looga baahan yahay inay daawooyinka u siiyaan xoolahooda.

Dr maxamad cabdullahi ayaa Dadka bartay caafimaadka qeybahiisa kala duwan  ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan wacyigilinta bulshada si looga badbaado qatarta dadka iyo xoolaha kaga imaan karto dawooyinka aan dhaqaatiirta lagala tashan ee lasiiyo xooolaha xanuunsan.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here