Dhaqaatiirta Zimbabwe oo ka bannaanbaxay ‘guddoomiyahooda oo la afduubtay

0
235

Baladweyne(Radio Beerlula)-Dhaqaatiirta dalka Zimbabwe oo ka careysnaa afduub la sheegay in loo geeystay madaxii ururada dhaqaatirta dalkaas ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka magaalada Harare.

Dhaqaatiirta waxay codsanayeen in dowladda ay wax ka qabato falalka afduubka ah ee lagu hayo dadka dhaleeceeyo dowladda.

Peter Magombeyi oo ahaa madaxii ururada dhaqaatiirta Zimbabwe ayaa horkacayay dibadbaxyo ay dhaqaatiirta ay kaga cabanayeen mushaar yarida iyo codsi ah in wax laga baddalo xaaladdooda nololeed.

Dibadbaxyaasha waxay doonayeen inay galaan xafiiska madaxweyne Emmerson Mnangagwa balse waxaa hor istaagay booliska ka hortaggo rabshadaha.

Dr Peter Magombeyi ayaa laga shakisan yahay in Sabtidii ay afduubteen koox rag ah.

Dhaqaatiirta Zimbabwe waxay wacad ku mareen in aysan shaqada dib ugu laaban doonin tan iyo inta laga helayo dhaqtarka.

Dowladda waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay maqnaanshaha dhaqtarka isla markaasna ay laamaha ammaanka ku amartay inay baaritaano ku sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here