Dhibcaha Ay Heleen Xiddigaha Ku Tartamayay Abaalmarinta “The Best” Oo La Shaaciyay.

0
72

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa lagu kala baxay abaalmarinta “The Best” ee ay bixiso FIFA ee sanadka 2023.

Xiddiga Lionel Messi ayaa markii 3-aad ee taariikhdiisa ku guulaystay abaalmarinta isaga oo ku garaacay xiddigaha Haaland iyo Mbappe.

Kadib markii ay xafladu dhamaatay FIFA ayaa shaacisay dhibcaha ay kala heleen 3-da xiddig ee kama dambaysta ahaa ee ku tartamayay abaalmarinta.

Xiddiga kooxda Inter Miami ee Lionel Messi oo ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadka 2023 ayaa helay 48 dhibcood.

Si kasta ha ahaatee waxa la dhibco ahaa xiddiga kooxda Man City ee Haaland kaas oo isna helay 48 dhibcood.

Waxa ugu dambayeeyay xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo helay 35 dhibcood kuna dhamaystay kaalinta 3-aad.