Dhir lagu beeray iskuulka bartamaha Muqdisho

0
152

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha guud ee Nadaafadda iyo bilic Soo celinta dowladda hoose ee Xamar Mudane Maxamed Suudi Maxamuud, maamulka iskuulka bartamaha iyo qaar ka mid ah ardeyda dhigata iskuulka ayaa dhir kala duwan ku beeray gudaha iskuulka si loo muujiyo bilicda iskuulka.

Ololahan dhir beerista ayaa waxaa horey Magaalada Muqdisho uga daah furay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud isagoo bulshada Soomaaliyeed ku booriyay inay ka qeyb qaatan Soomaaliya cagaaran.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Adam Xuseen.