Dhismaha bangiga maamulka Puntland Laanta Gaalkacyo oo xariga laga jaray.

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka jaray dhismaha Bangiga dowlad Goboleedka Puntland laanta magaalada Galkacyo oo dib u habeeyn iyo casriyeen lagu sameeyay.

Munaasabadda xarig jarka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Wasiiro iyo agaasimiyaal ka tirsan wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland iyo maamulka Gobalka Mudug.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya  Cabdimajiid Aweeys Isaaq.