Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay buundada Saalax Jeere oo bur-burka xoogan uu soo gaaray taasoo aan la marin in ka badan 30 sano.
Munaasabadda dhagax-dhigga Buundada Saalax Jeere waxaa ka sugnaa Wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda Hirshabeelle Mahad Maxamed Xassan, Isku-duwaha wasaaradda maaliyadda gobolka Hiiraan, Mudane Ciiloow Joobane Cawaale, maamulka degmada Jawiil , taliyaha Saldhigga booliska Beledweyne Gashanle Cabdullaahi Maxamuud Siyaad, rugta Ganacsiga gobolka Hiiraan, Gaadiidleey iyo qeybaha bulshada.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.


