Dhismaha cusub ee xarunta degmada Xamarweyne oo la dhagax dhigay.

0
97

Baladweyne( Radio Beerlula)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta degmada Xamarweyne.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye Kuxigeenada maamulka Gobolka Banaadir, maamulka degmada Xamarweyne, agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Warbixinta waxaa noo haya Bilaal Daahir Waaney.