Dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho oo laga dhagax dhigay degmada Warsheekh.

0
221

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen ayaa si wada jir ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho kaasoo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Mudane Maxamuud Aadan Geesood, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Cabdikariin Cabdow Xeydar iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here