Dhismaha Hoyga nabadda oo laga dhagax dhigay magaalada Gaalkacyo

0
147

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qaar kamida odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug manta waxa ay ka dhagax dhigeen guri loogu magacdaray hoyga nabada halkaas oo ay isugu imaan doonaan ama ay ku shaqeyn doonaan odayaasha dhaqanka .
Nabadoon cabdirisaaq aadan dhooley oo bixiyay dhulka laga dhagax dhigay hoyga nabada gaalkacyo ayaa sheegay in uu ku faraxsanayahay in uu bixiyo guri loogu shaqeyn doona bulshada.

Warbixintan waxaa inoo haya Aadan Cabdi Axmed