Dhismaha Iskuulka deegaanka Bacaad ee gobolka Hiiraan oo la dhagax dhigay.

0
147

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaarada xanaanada xoolaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdiraxmaan Axmed iyo gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow ayaa si wadajir u dhagax dhigay dhismaha iskuulka sare Cabdi Cismaan Cosoble ee deegaanka Bacaad gobolka Hiiraan kaasi oo lagu dhisayo si isku tashi ah

waxa ka qeyb galay munaasabada dhagax dhiga maamulka deegaanka Bacaad odoyaasha dhaqanka, dhalinyaro, iyo Haweenka kunool deegaanka Bacaad ee gobolka Hiiraan.

Warkan waxa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here