Dhismaha qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay iskuulka Khaalid Bunu Waliid ee Kismaayo oo xariga laga jaray

0
154

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland C/naasir Seeraar Maax ayaa xarigga ka jaray dhismo cusub oo lagu soo kordhiyay dugsiga sare ee Khaalid Binu Waliid ee magaalada Kismaayo.

Xarig jarka dhismahan cusub oo isugu jiray xafiisyo iyo fasalo ardayda wax lagu baro ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka iskuulka ,iyo xubno kamid ah wasaarada Waxbarashada Jubbaland

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim