Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaarada Howlaha guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowlad Goboleedka Puntland Faarax Cawad Ayna weheliyeen Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Duqa degmada Bosaaso agaasimaha Hay,adda Wadooyinka Puntland iyo Masuuliyiin kale ayaa dhagax dhigay Jidka Ex Bosaaso oo laga dhigayo waddo laami ah.
Wadadaan ayaa ka bilaabata afaafka hore ee shirkadda Goles wexeeyna ku ektahay Suuqa xoolaha iyadoo ay dhib badan ku qabeen isticmaalkeeda Bulshada iyo gaadiidka.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.
Audio Player