Dhismaha wado cusub oo laga dhagax dhigay degmada Kaaraan

0
116

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax-dhigay waddo Interlock  ah, taasi oo laga hirgelinaayo Waaxda Jabuuti ee Degmada Kaaraan.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani Maxamed, Xildhibaano xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Kaaraan.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.