Dhismaha wasaaradda diinta iyo awqaafta Jubbaland oo laga dhagax dhigay magaalada Kismaayo.

0
56

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Cabdyqaadir Xaaji Maxamuud ayaa Magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay dhismaha Xarunta cusub oo ay yeelan doonto Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta maamulkaaasi.

Dhagax dhiga xarunta ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Jubbaland, Wasiirka diinta iyo Awqaafta Jubbaland , Xildhibaano ka socday Barlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey.