Dhismaha xaafad cusub oo laga dhagax dhigay magaalada Garoowe.

0
109

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Garoowe ayaa laga dhagax dhigay dhismaha xaafad cusub oo lagu Magacaabo Howl-Wadaag oo ka mid noqonaysa Xaafadaha Caasimadda oo ka kooban kun Guri oo loo dhisaayo dadka ku barakacay Abaaraha Gudaha, dadka danyarta ah ee Caasimadda Garoowe ku nool iyo dadka kasoo barakacay Gobolada Koonfureed ee dalka.

waxaa ka qayb-galay madasha lagu dhagax dhigayey 1000ka guri Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta maamulka Puntalnd, Duqa Caasimadda Garoowe, Masuuliyiinta Hay’addaha NRC & IOM, dadka deegaanka iyo Marti sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi