Dhismaha xarunta daaweynta xoolaha degmada waaciye oo xariga laga jaray.

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowalad gobaleedka puntland Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed (Libaaxe) ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta daaweynta caafimaadka xoolaha ee Degmada Waaciye.

Munaasibadda daahfurka waxaa qayb ka ahaa Xildhibaan Maxamuud Dhakuul, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Dheere, Gudoomiyaha Degmada Waaciye Abdikadir Xassan, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Caydiid Axmed Nuur, Taliyaha Qeybta Karkaar iyo Mas’uuliyiin kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.