Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul-Iftaa islamarkaana laga dhisaayo gudaha masjidka Isbahaysiga islaamka.
Munaasabada dhagax dhiga waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Muqtaar Roobow Abuu Mansuur, Qaarkamid ah culumada Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.