Dhismaha xarunta labaad ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo laga hirgeliyay magaalada Kismaayo oo xariga laga jaray.

0
100

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Cabdiqaadir Cilmi Cali ayaa si wada jir ah xariga uga jaray dhismaha xarunta labaad ee hay’adda socdaalka iyo jinisiyaddaha Jubbaland oo laga hirgeliyay magaalada Kismaayo.

Xubno ka tirsan maamulka Jubbaland, shaqaalaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha qeybta Jubbaland, iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabaddan xariga looga jarayay dhismaha xarunta hay’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha ee Jubbaland.

Warbixintan waxaaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.