Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland oo loo dhisay qaab-casri ah.
dhismaha xarunta wasaarada Caafimadka Jubaland ayaa waxaa iska kaashaday dowlada federaalka iyo maamulka Jubaland.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan